|
Muqdisho,(insidesomalia.org) - Weli waxaa taagan khilaaf aad u xooggan oo dabayaaqadii bishii hore soo dhexgalya Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra'iisul wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen.
Khilaafka ayaa salka ku haya arrimo sharci, iyadoo khilafka xooggiisa uu ka bilowday markii Nuur Cadde uu shaqada ka eryay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo isaguna sheeganaya weli inuu yahay guddoomiyaha Gobolka.
Ilo wareedyo la isku haleyn karo ayaa waxay sheegeen in Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaruhu ay kulamo kala duwan yeesheen, kuwaasoo ay kaga hadleen khliaafka u dhexeeya, iyagoo xaqiiqsaday in khilaaka uu yahay mid iyaga si toos ah ugu dhexeeya, balse aan raad ku lahayn xukuumada.
Maanta ayaa lagu wadaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan Madaxtooyada, waxaana labadooda u dhexeeya kala fikir duwanaasho, iyadoo ay jiraan dhexdhexaadiyeyaal ka tirsan xukuumada oo damacsan inay dhameeyaan khilaafka.
Madaxweynaha ayaa aamisan in ra'iisul wasaaruhu ku qaldan yahay magacaabista wasiiro cusub iyo xil ka qaadistii Maxamed Dheere, iyadoo ra'iisul wasaruhuna uu ku adkeysanayo inay sharci yihiin.
Kulan dhexmaray labadooda dorraad ayaa ku dhamaaday natiijo la'aan, iyadoo la xusuusto in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Cabdullaahi Daahir Barre uu ku eedeeyay Nuur Cadde inuu sharciga baalmaray marka la eego magacaabida iyo shaqo ka eryidda uu sameeyay.
|